Dalka Jabuuti ayaa lagaga dhowaaqay 83 kiis oo ah kii ugu badnaa ee xanuunka Covid-19

0
141

maalintii shaley Dalka Jabuuti ayaa lagaga dhowaaqay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunka Covid-19 iyadoo wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ay maanta shaacisay kiisas cusub oo dhan 83.

Tirada guudna ee dadka cudurka uu ku dhacay ee dalkaas ayaa waxay ku dhowdahay 300 qof, iyadoo laba qofna dhimashadooda ilaa haatan la xaqiijiyey.

wararkii ugu danbeeyey tirada danka uu ku dhacey COVID19 iyadoo tirada dadka jabouiti uu ku dhacey 300 qof tirada dowlada ka baadhey in xanuunkan hayo waxay gaadheysaa 4949 qof, bandowgii lagu soo rogey ayaa la kordhiyey iyadoo la doonayay inuu la furo 18 bisha waxaana lagu darey wakhti kale oo waxa la furayaa 29ka bishan.

bandowgan ayaaa ka hir galey dhamaan jabouti iyadoo dadka dhibta badan ku soo gaadheysaa dadka dan yarta. dhamaan waxaa la joojiyey basaska dadweynaha.

waxaanu saameyn aad u badan ku leeyahay bandowgan iyo meherada xidhanba dhalinta dibjirka ee aan hoy la lahyn