Home WARARKA MAANTA Dagaal u dhaxeeya somaliland iyo puntland oo ka Dhacey hadaaftimo

Dagaal u dhaxeeya somaliland iyo puntland oo ka Dhacey hadaaftimo

0
193

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada qaranla Somaliland iyo kuwa Puntland uu ka qarxay deegaanka Hadaaftimo ee gobolkaasi.

Dagaalka oo weli socda ayaa yimid, dib markii ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaana Yubbe ay saaka u soo ruqaansadeen dhinaca Hadaaftimo, halkaas oo ay dagaal xoogan kala horyimaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama oga inta uu la egyahay khasaaraha.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu iska hor imaadka ka socdo ku sii qul qulaya ciidamo kala duwan gurmad ah oo ku biiraya dagalkaasi.

Shalay ayey aheyd markii maamullada Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalameen degmada Laasqoray oo ka tirsan isla gobolka Sanaag

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com