Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

0
183

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan,kaasi oo dhexmaray dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo Kooxda Macwiisleyda.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana uu qaatay muddo kooban sida wararka aan helnay wallow markii dambe uu istaagay.

Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan,kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dagaalkaas lagu dilay Saraalka tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo magacaabiis lagu soo gaabiyay Maxamed sida ay sheegeen Kooxda Macwiisleyda,inkastoo aysan jirin warar ka madax banaan oo xaqiijinaya.

Deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa mararka qaarkood dagaalo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaraa Al-shabaab iyo Macwiisleyda,kuwaasi oo taageero siiya Ciidanka dowladda Soomaaliya.