Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

0
280

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa AMISOM,oo xalay ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno katirsan Shabaab ay weerar ku qadeen Saldhig Ciidamada Jubbland iyo kuwa AMISOM, ay ku lee yihiin Deegaanka Bilis Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal qaatay muddo ku dhawac Nus saac ayaa ka dhacay halkaasi,waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo mid culus,iyadoona uu dagaalka ka soo gaaray labada dhinac khasaaro kala duwan,inkasto aan la ogeyn halka uu gaarsiisan yahay khasaarahaasi.

Maamulka Deegaanka Bilis Qooqaani ayaa sheegay in iska caabiyeen weerarka uga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay horay uga warhayeen iney deegaanka ku soo wajahan yihiin.

Waxaa uuna hoosta ka xariiqay in Al-shabaab ay jab xooggan ku gaarsiiyeen dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab dhankooda wali kama aysan hadlin dagaalka ay ku qadeen deegaanka bilis qooqaani iyo khasaaraha ka soo gaaray dhinacooda.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay dhaqdhaaqyo ciidan oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ay ka wadaan Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobollada Jubbooyinka.