Da’da ay Haweenku Ugu Quruxda Badan Yihiin oo La Xadiday

0
217

Khubaro Mareykan ah oo cilmibaaris sameeyay ayaa xadiday da’da ay gabadhu ugu quruxda badan tahay, dumarku waxey ugu soo jiidasho badan yihiin marka ay gaaraan 38 sano iyo 9 bilood.

Khubaradan ayaa intaa waxey sii raaciyeen in dumarku marka ay da’aadda dhex dhexaadka ah ay yihiin ay noqdaan kuwo soo jiidasho badan, sababtuna waa kalsoonida dhanka xiriirkooda caadifadeed oo xasiloon, ku darso iney leeyihiin dhammaan xirfadaha lagama maarmaanka ah ee ay raggoodu uga baahan yihiin.

Daraasad kale ayaa daahrogtay da’da ay dumarku soo jiidashadoodu yaraato, waxeyna ku sheegeen da’da 49aad.

Dhanka kale, khubarada cilmiga bulshada ee dalka Ingiriiska ayaa waxey sameeyeen ra’yi uruurin ay ka qeybgaleen 2000 oo qof oo rag iyo dumar  iskugu jira, iyadoo ujeedkuna uu ahaa in la xadido da’da ay haweenku ugu uqurxda badan yihiin, ra’yi uruurintan ayaa lagu sheegay in da’da 31 ay tahay tan ay dumarku ugu quruxda badan yihiin. Raggii daraasaddan ka qeybgalay ayaa waxey sheegeen in dumarku markii ay da’daa gaaraan ay u dhaqmaan si caqli badan oo kalsoonida ay naftooda ku qabaan ay aad u kororto.

Culumada cilmi-nafsigu arrintaa waxey ku fasireen in dumarku marka ay 30 jirka gaaraan ay bilaabaan iney si wanaagsan naftooda u daryeelaan, oo ay ku qancaan muuqaalkooda sida uu yahay, isla markaana aaney muhiimad gaar ah siin waxyaabaha ka maqan ee muuqaalkooda dibadda ah, markaas kalsoonidooda ayaa aad u kororta.

Cilmibaarisyo farabadan oo kale ayaa isku raacsan in dumarku marka ay 30 jirka ay yihiin ay tahay xilliga ay ugu quruxda badan yihiin, markasta oo ay sii weynaadaanna oo ay soddonka kor u dhaafaanna ay quruxdoodu sii kororto.

xigasho maandeeqfm