Dad qaba dhaawacyo kala duwan oo Muqdisho la soo gaarsiiyay

0
306

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano(Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii laga saaray magaaladaasi kooxda Al Shabaab oo in muddo ah ka arimineysay halkaasi.


Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho keentay dad ku dhaawacmay qarax miino oo Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Suuqa Degmada Awdheegle, kaas oo ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo shacab ah,oo suuqa ka sameynayay howlo Nadaafadeed.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa dhawaan Al- Shabaab ka saaray deegaanno badan oo ku yalla gobolka Shabeellaha Hoose.