Dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigay

0
137

Maxkamada caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aamisey in dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay, markii ay xukuumadda Nairobi sidaasi codsatay.

Dhagaysiga dacwadda ayaa lagu wadaa in uu furmo June 8- 12, 2020, iyadoo Maxkamaddu ay sheegtay inaan mar kale dib loo dhigi doonin dhagaysiga dacwadda Badda.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladu ay soo dhaweyneyso go’aanka kama dambeysta ah ee ay Maxkamaddu qaadatay

Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku dooneyso in ay ku baajiso dhagaysiga dacwadda oo ay Soomaaliya kol hore u gudbisay Maxkamadda caddaaladda Adduunka, iyadoo dooneysa in si hoose ay Labada Dowladood u xalliyaan kiiska.