Dacwada Rag ku Eedeysan Kiiskii Caaisha oo dib loo dhigay

0
270

Fagaaraha Jaamacadda Bariga Afrika ee ku taalla Magaalada Garoowe, ayaa maanta Maxkamadda Puntland waxa ay horkeentay 10 Eedeeysane oo loo heysto Kufsigii iyo dilkii ay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo Caaisho Ilyaas Aadan.

Goobta ay dacwada ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugna qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana 10 Ruux ee la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ah dilkii iyo Kufsigii ay u geysteen AUN Caaisho Ilyaas Aadan.

Dhinaca kale Markii ay bilaabatay Maxkamadda,isla markaana ay Xeer ilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10 Ruux,ayaa Qareenadii difaacayay Eedyesanayaasha waxa ay codsadeen in la siiyo waqti ay ku soo diyaariyaan Difaacooda Cadeeymaha.

Sidoo kale mid ka mid ah Xeer ilaalinta Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in dib loo dhigay Kiiska,isla markaana maalinta Sabtiga ah dib loo furi doono dhageysiga dacwada dadka loo heysto dilkii iyo Kufsigii Caaisho.

Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa la sheegay ineysan ku sugnaan Goobta lagu Maxkamadeynta Ragga loo heysto Kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas, waxaana Xusid mudan in bishii la soo dhaafay ay Qoyska Caaisha ka gureen hoygii ay ka daganayeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kadib markii ay shegeen in ay wayeen Cadaalad.