Cuntooyinka Nabi Muxamed ﷺ Uu Jeclaa♥️

0
227

Waxaa Idin Soo Guuriyay 《 1️⃣4️⃣ 》Toban Iyo Afar Kamid Ah Cuuntooyinki Nabigeena Suuban SCW ﷺ Jeclaa Iyo Faiidooyinkooda Oo kooban…

1️⃣- Timirta:: Nabiga SCW ﷺ Wuxuu Yiri: 《Guri Ay Timir Taalo Laguma Gaajoodo》Nabiga ﷺ Wuxuu Kale Yiri: Timirta Cajwada Waxay Difaacdaa Sixirka… Waa Laga Yaabaa In Gurigii Nabiga SCW ﷺ Laga Waayo Wax Cuno Ah Laakiin Ma Dhicin In Guriga Nabiga SCW.. Laga Waayo Timir..

Waxaa kaloo Suno Nabiga ﷺ ka Sugnaatay Ah In Ilmaha Dhasha Dhanxanaga Loo Maryo.(Taxniik) Timirta Waxey Leedahay Faaiidiiyin Badan Waxaa kamid Ah: Timirta Waxay Nadiifisa Dhiiga, Waxay Socod Siisaa Calooda
Waxay u Fiicantahay Cudurada Wadnaha Iyo Caloosha….. Waxaa ku Jira Vitamin A, B1,B2.

2️⃣- Caanaha:: Caanaha Waxay kobciyaan Maskaxda Xusuusta , Araga… Nabiga SCW ﷺ Wuxuu Yiri: ”Caanuhu Wuxuu U Wanaagsanyahay Qalbiga Wuxuuna ka Dhigaa Qalbiga Qurux Wuxuuna Siiyaa Dadka Energy Iyo Furfurnaan..

3️⃣- Qaraha/Xabxabka Qaraha Qiyasti 92% Waa Biyo Waxaa kaloo ku Jira Vitamins A,B.C,E

Qaraha Nabiga SCW ﷺ Kolka Ee Khadiija (Alle Haka Raali Noqde) Uur Lahayd Wuxuu Siin Jiray Qaraha Wuxuu Oran Jiray Nabiga ﷺ ”Hadee Ogaan Lahaayeen Dumarka Uurka Leh Faa’iidada Ugu Jirta Qaraha Aad Bee U Cuni Lahaayeen…

4️⃣- Bocorka Cad:: Bocorka Wuxuu Dajiyaa Neerfaha Wuxuu Keenaa Hurdo Wuxuu Uroonyahay Madax Xanuunka Nabiga ﷺ Ayaa Ayaa Ino Sheegay

5️⃣- Tiinka:: Ilaahey SWT Wuxuu Quraanka ku Yiri: 《 Waxaan Ku Dhaartay Tiinka Iyo Saytuunka》 Miraha Tiinka Nabiga ﷺ Wuxuu Yiri: ” Miraha Tiinka Wuxuu ka Midyahay Qudaarta Jannada…

Faaiidooyinka Tiinka Waxaana kamid Ah Waxay Hoos U Dhigaa Dhig karka Waxay Ridaa Miisaanka Waxay Ka Hortagaan Kansarka Qeyba kamid Ah, Waxay Daaweeyaan Qaarka kamid Ah Xanuunada Caloosha..

6️⃣- Malabka: Xadiis Laga Soo Wariyay Nabiga ﷺ Aya Waxa Uu Yiri: 《Waxan Idinku Ogahay Laba Dawo Quranka Iyo Malabka》Malabka
Nabiga SCWﷺ Galaas Biyo Ah Ayuu Hal Qaando Malab Ah ku Darsan Jiray Kolkaasuu Cabi Jiray..

Malabka Marka Laga Soo Tago Macaankiisa Waxuu kaloo Leeyahay Faaidooyin Badan Wuxuu Daweeya Xanuuno Badan Xanuunada Uu Daweeyo Waxa kamid Ah Xanuunada ku Dhaca Caloosha Gastric, Finanka, Hargabka Iyo Xanuunada Beerka

7️⃣- Saliid Saytuunta:: Saliid Saytuunku Waxay U Fiicantahay Maqaarka Iyo Timaha Waxanay Dib U Dhigta Calaamadaha Gabawga, Saliid_Saytuun Nabiga ﷺ Wuxuu Yiri: ” Saliid Saytuun Waxay U Wanaagsanyahay Timaha Iyo Jirka Sidoo kale Caloosha Ayee Nadiifisaa…

8️⃣- Cinabka:: Cinabku Wuxu Nadiifiya Dhiiga, Waxana Xoojiya Shaqaada Kiliyaha. Iyo Ugu Danbeyn… Canabka Nabiga SCW ﷺ Wuxuu Yiri: ”Canabka Wuxuu U Wanaagsanyahay Dhiiga Sidoo kale Wuxuu Nadiifiyaa Kilida…

9️⃣- Qamadiga /Sareen Oo Eheed Cuntada Uu Nabiga ﷺ Ugu jeclaa… Nabiga SCW Wuxuu Yiri: ”Qamadigu Wuxuu U Wanaagsanyahay Qandhada Marka Laga Sameeyo Maraq…

🔟- Biyaha:: Nabiga SCWﷺ.. Wuxuu Yiri: ”Biyaha Waxay U Wanaagsanyahay kilyaha..

1️⃣1️⃣- Hilibka:: Nabiga SCWﷺ Wuxuu Yiri: ”Hilibku Waa Boqorka Cuntooyinka Wuxuu Faa’iido U Yahay Noole Walba…

1️⃣2️⃣- Rumaanka:: Nabiga SCWﷺ Wuxuu Yiri:: ”Rumaanka Qofkii Joogteeya Cunistiisa Waxay Ruuxdiisa ka Nadiifisaa Shayaadiinta Mudo 40 Maalmood Ah

1️⃣3️⃣- Qalka:: Nabiga SCWﷺ.. Aad Ayuu U Isticmaali Jiray..

1️⃣4️⃣- Boqoshaa Nabiga SCWﷺ.. Wuxuu Yiri: “Boqosha Waxay U Wanaagsanyahay Indhaha Waa Daawo…

Sidoo kale Waxaa Sunada Nabiga SCWﷺ Ka Mid Ah Intaan Cuntada La Bilaabin In La kabado Biyo Hal Jeer Ama Labo Jeer…

Nabiga SCWﷺ Wax Walba Oo Kheyr Ah Ummadiisa Waa Uu Faray…

Markasta Rasuulkeena ‎ﷺ Waa Macalinkeena Wuxuuna Barayaa Wax Walba Caafimadkeena U Wanaagsan Faaidana Inoo Leh…

● Walaal #Qoraalkan Hadaa Aragto #Share Dheh Oo La Wadaag Asxaabtaada

👈 Axmed Maxamed