CIRRADA TIMAHA: Waxyaabaha Sababa Iyo Sida Looga Hortagi Karo!

0
196

Cirrada timaha: Waa hubaal in qof kasta oo noolaadaa uu filanayo in ay imanayso maalin uu madaxiisa cirro ku arkaa. Marar badan cirradaasi waxa ay ku timaaddaa gabowga, laakiin waxaa dhacda marar kale oo aanay wax xidhiidh ah la lahayn da’da qofka.

MAXAA TIMAHA MIDABKOODA CADDEEYA (CIRRADA)?

Dr. Jill Waibel oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca ayaa sheegtay in timaha bani’aadamku uu sidiisaba caddaan yihiin marka uu ilmuhu ku jiro uurka hooyada. Laakiin marka dambe ee uu ilmuhu yara koro ay unugyada midabayntu shaqadooda bilaabaan. Markaas ayaanay timuhu yeeshaan midabka dabiiciga ah ee ay yeelan doonaan, oo ku noociisu ku xidhanyahay qaabka ay unugyada midabaynta u qaybiyaan maadadda Melanin ee midabka sababta iyo nooca maadaddan iyo xaddiga ay tahay, taas ayaana sabab u ah in dadka qaar midabka timahoodu uu noqdo madow, kuwo kale cawlaan, ama la arko dad timahoodu casaan yihiin.

Mar kasta oo ay da’da qofku sii weynaato waxaa hoos u dhaca Insiimka (Enzymes) lagu magacaabo Telomerase oo isagu soo saara maadadda midabka keenta ee Melanin, waxaana ka dhasha in midabka dabiiciga ahaa ee timuhu uu khafiif noqdo, awood ahaanna taag darreeyaan, ugu dambayntana cirro isu rogaan.

GOORMA AYAA AY CIRRADU BILAABATAA?

Inta badan cirradu waxa ay ku bilaabataa da’da soddonaadka, laakiin bilowga hore qofku waa uu qaadan kari waayaa in uu cirro madaxiisa ku arko, waxaana laga yaabaa in uu dhaqso u bilaabo in uu beddelo midabka cirrada. Sababta ugu weyn ee qofku uu nafsad ahaan u diido cirradu waa da’dan Soddonaadka oo ay dadku weli in ay yar tahay u yaqaannaan iyo cirrada oo ay gabowga ku yaqaannaan, sidaas awgeed labadaas arrimood ayaa aan isu qaban Karin. Si kastaba ha ahaato ee qasab ma’aha in cirradu ay qof kasta da’dan ku bilaabato.

Dr. Alan Bauman oo oo arrintan ka warramayey ayaa sheegay in bilaabashada cirradu ay ku xidhantahay hiddaha in ka badan inta ay ku xidhantahay da’da. Digtoorku waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in qofku uu eego waalidkii ama awoowyadii si uu u fahmo hiddihiisa la xidhiidha cirrada oo ay u badan tahay in uu iyaga ka raaco.

HALKEE AY CIRRADU KA BILAABATAA?

Si kasta oo ay da’da qofku u gaadho tii laga filayey in cirradu ku bilaabato madaxiisa, haddana macnaheedu ma’aha in uu maalin uun soo toosi doono madaxiisa oo dhammaantii caddaaday. Waa arrin si tallaabo-tallaabo ah u timaadda. Marka koowaad waxa uu qofku cirrada ku arkaa labada dhafoor, tiro yar oo mid iyo laba la odhan karo ayaa ay ku bilaabataa, si aanu qofku dareemayn ayaanay ugu dambaynta u buuxisaa labada dhafoor, kaddib halkaas ayaa ay fidista kasii waddaa oo kor ayaa ay ugu kacdaa madaxa illaa ay kugta u sarraysa gaadho.

Marar aan badnayn waxaa dhacda in cirradu ay foodda hore ee timaha ka bilaabat, laakiin kama bilaabato madaxa qaybtiisa dambe ee qadaadka.

ISIRKA QOFKU KAALIN MUHIIM AH AYAA UU KA QAATAA SOO BIXIDDA CIRRADA

Sida ay sheegtay Dr. Jill Waibel, isirka qofku xidhiidh muhiim ah ayaa uu la leeyahay cirrowga timaha. Tusaale ahaan dadka isirkooda loo yaqaanno Qawqaasiyiinta waxa ay cirradu ku bilaabataa iyaga ku jira badhtamaha soddonaadka.

Dadka Aasiyada kale ku nool waxa ay cirradu inta badan ku bilaabata dabayaaqada da’da soddonaadka, dadka Maraykanka asalkoodu Afrikaanka yahay ahna waxa ay cirradu ku bilaabataa marka ay badhtamaha afartanaadka ku jiraan.

Daraasado kale oo iyagana waqtiga cirradu bilaabato lagu baadhayey ayaa ka marag kacay xogta aynu xusnay, waxa aanay intaas ku dareen in dadka isirkoodu asal ahaan ka soo jeedo Aasiya ama Afrika uu inta badan yar yahay midabka caddaanka ah ee cirradoodu yeelanaysaa, marka la barbar dhigo dadka ay isku da’da yihiin ee ka soo jeeda Qawqaasiyiinta.

FG:

Qawqaasku (Caucasus) waa gobal u dhexeeya badda madow iyo badda Qaswiin (Caspian Sea), waxaana dhaca dalalka Armenia, Azerbaijan, Georgia, iyo qaybo ka mid ah koonfurtA Ruushka. Laakiin dadka Qawqaasiyiinta waxaa isir loogu abtiriyaa dadyow ka badan inta deggen. Waxaa ka mid ah in badan oo ah dadka Yurub, galbeedka Aasiya, Badhtamaha Aasiya, Koonfurta Aasiya, woqooyiga Afrika iyo xitaa Geeska Afrika qaybo ka mid ah.

CIRRADA OO LA MIDH SIIBAA MA BADISO CIRRADA

In badan ayaa la maqlaa dadka qaar sheegaya in cirrada oo midh midh gacanta loogu soo jaraa ay sii badiso cirrada. Tusaale ahaan dadka qaar ayaa sheega in Meesha hal cirro ah laga jaraba ay laba kale ka soo baxaan. Laakiin xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in warkaasi aanu run ahayn.

Randy Schuyler oo ah xeeldheere ku takhasusay cilmiga qurxinta ayaa majaladda Today u sheegay in marka uu qofku tinita soo jaro, in jirridii hoose halkeeda iska sii ahaato, ugu dambayntana tin kale uun ka soo baxdo. Mararna ay dhacdaba in tinta cusub ee soo baxaysaa aanay noqon cirro balse ay noqoto tin midabkii caadiga ahaa leh.

Si kastaba ha ahaato ee, In cirrada la midh siibaa waxa ay leedahay khatar iyo waxtar is barbar yaalla oo qofka jarayaa ay tahay in uu u badheedho middooda uu helo. Khatartu waa in godka tintu ka soo baxaysa uu dhaawac soo gaadho soo dhufashada awgeed ama dhibaato kale oo caafimaad darro uu sababo, waxa barbar taalla faa’iidada aan la hubin oo ah suurtagalnimada in tinta halkaas laga jaray cirrada ka soo baxaysaa ay noqoto mid aan cirro ahayn.

RAGGA IYO HAWEENKA IYAMA AYAA AY CIRRADU KU HORREYSAA?

Cilmibaadhis sannadkii 2012 kii la sameeyey ayaa lagu ogaaday in cirradu ay ku badantahay kuna soo horreyso ragga, marka la barbardhigo haweenka da’dooda ah.

XAALADAHA NAFSIGA AHI WAXA AY KEENI KARANA CIRRO!

Sida ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddaynayaan qulubku waxa uu keeni karaa in timuhu ay caddaadaan. Dr. Bauman oo ka warramayey waxa uu sheegay in walbahaarka, diiqadda iyo culaysyada nafsiga ah ee ka dhasha duruufaha kala duwan ee noloshu ay saamayn ku yeeshaan caafimaadka timaha. Ujeedadu ma’aha in diiqadda iyo guud ahaan xaaladaha nafsiga ahi si degdeg ah midabka timaha u beddelayaan, balse waa in ay cirrada ku soo dedejiyaan dadka markaba horeba hiddaha u leh cirrada soo degdegta.

CIRRADU DA’ MAAHA

Cirradu waxa ay qofka u ekaysiisaa gabow, laakiin runtu waxa ay tahay in cirradu aanay mar kasta calaamadda gabowga ahayn. Inkasta oo ay jirto aaminsanaan baahday oo ah in wadne xanuunku uu xidhiidh la leeyihiin gabowga soo degdega, haddana daraasado lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu wax xidhiidh ahi ka dhexeyn cirrada ama coodcoodhka iyo wadne xanuunka.

XAALADO KALE OO CIRRADA KEENA

Da’da iyo hidde sideyaashu maaha waxa keliya ee keena cirrada. Balse waxaa jira xaalado kale oo nololeed oo qofka ku soo dedejiya cirrada. Waxaa ka mid ah kuwo uu qofku wax ka qaban karo iyo kuwo awooddiisa ka baxsan. Tusaale ahaan, waxaa la aaminsan yahay in waxyaabo badan oo raad xun ku yeesha caafimaadku ay soo dedejiyaan cirrada. Waxaa ka mid ah cunto xumada, qulubka, hurdo yaraanta, dawooyinka qaarkood, sigaar nuugista iwm. Dhammaantood waxa ay keeni karaan in timuhu ay si dhaqso ah u cirraystaan.

Xaaladaha kale ee caafimaad ee cirrada soo dedejiya waxaa ka mid ah xanuunka dhiig la’aanta, Kansarka, qanjo xanuunka (Thyroid), xanuunka joojiya korniinka maskaxda ee ‘Dawn’, progeria ama Werner oo keena cirrada oo qofka ku soo degdegta. Faytamiinka B12 oo qofka ku yaraada iyo cillad ku timaadda qanjidhka maskaxda ‘Pituitary gland’

WAA LA HAKIN KARAA CIRRADA

Waxaa la aaminsanyahay in maaddooyinka ay ka mid yihiin Caffeine ta iyo Nicotinamide oo ah qayb ka mid ah Faytamiin B3 ay labaduba caan ku yihiin caabbinta iyo ka hortagga calaamadaha gabowga. Dawo dabiici ah oo China lagu sameeyo, laguna magacaabo FO-Ti ayaa iyaduna la sheegaa in ay yarayso caddaanka cirrada, laakiin weli daraasado dheeraad ah oo cilmiya ayaa ay u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaato ee guud ahaan waxaa la isku waafaqsan yahay in nidaamka cunto oo la wanaajiyo iyo caafimaadka guud oo la wanaajiyo lalana dagaalamo guud ahaan dhibaatooyinka caafimaad iyo diiqadda iyo xaaladaha nafsadeed oo si sax ah loola macaamilaa ay dhammaantood ka mid yihiin siyaabaha looga hortegi karo cirrada.

Sida oo kale in Faytamiinnada timaha la isticmaalo ayaa wax badan ka caawiya ka hortagga cirrada ama yaraynteeda.

-Qoraa Kamaal Marjaan

-Facwbook Page: Marjaan