Ciidanka somalia iyo kuwa Mareykanka oo weerar ka fuliyey Meel u dhow Tooratoorow.

0
284

Hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ayaa laga fuliyey meel u dhow deegaanka Tooratoorow Shantii Bishaan June, kaasi oo lagu beegsaday Kooxda Alshabaab.

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay Xubin ka tirsan Alshabaab,.

Weeradada dhanka cirka ah ee lagu beegsado Alshabaab ayaa difaac u ah Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu hor istaagayo dhaq-dhaqaaqyada argagaxisada, iyadoo deegaanada u abuuraysa fursad kor u qaadaysa inay helaan maamul wanaag.

Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Mareykanka ayaa si wadajir ah u sii xoojiyey weerarada ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab iyo ISIS, .

Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la kordhiyey Duqeymaha lagu beegsanayo Kooxda Alshabaab iyo Daacish, taasi oo keentay in laga iney yaraaadaan dhaqdhaqaaqyadii iyo tobabaradaradii ay wadeen