Ciidanka Eritrea oo maalin kaliya ku Diley 800 deegaanka tigreega

0
34

Kiniisadan oo ku taala magaalada Axum ee deegaanka tigreega ayaa la sheegay in maalin qudha ay ciidamada Eritrea qudha kaga gooyeen dad kor udhaafaya 800, oo qof!Warbixin ay qortay NYT oo soo xiganaysa goob joogayaal lahadlay AP ayaa lagu sheegay in 28kii November ay kiniisadan Axum Zion, gudaha ugaleen ciidamada Eritrea oo kaashanaya milatariga itoobiya kuwaas oo halkaasi qudha kaga jaray dad kor udhaafaya 800 oo qof oo rayid ah.

Mid kamida dadkii xasuuqan ka badbaaday oo AP la hadlay ayaa sheegay in magaalada Axum ay ahayd mid urteedu isu badashay mayd.Goob jooge kale ayaa sheegay in ay ciidamada Eritrea dadka banaanka usoo saareen kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen, iyagoo magaaladana gaaf wareegayay oo dilayay qofkii dhaqaaqa ee ay arkaan.Kiniisadan ayaa lagu tilmaamaa inay tahay goobta qarsoodiga u ah diinta Orthodoxka, taasoo laysu dayay in la bililiqaysto loox ay ku qoranyihiin waxyaabo muhiim u ah madhabta Orthodoxka.

Magaalooyinka Axum, Adigrat, Wokro iyo Humera ayaa kamida goobaha la sheegayo in gumaadka ba,ani ka dhacay.Sdm