Ciidamo kawada tirsan Dowladda oo Muqdisho ku dagaalamay

0
274

Ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Barqanimadii maanta waxa ay ku dagaalameen Xaafada Xoosh ee katirsan Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ay Weerareen Xarun ay Ciidamo kale oo Milateriga ah ay la yihiin Xaafada Xoosh ee katirsan Degmada Dharkenley, waxaana halkaasi ka dhacay daagaal dhowr daqiiqo socday sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday hal Askari halka tiro kale oo Askar ah ay ku dhaawacmeen.

Warar qaar ayaa sheegaya in Ciidamada soo wareeray goobta ay wateen labo Sarkaal oo katirsan Ciidanka Milateriga, oo ku sugna goobta la soo weeraray.

Faah faahin intaas ka sii badan lagama hayo dagaalka,walina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga ee Degmada Dharkenley iyo Maamulka Degmadaasi, kaas oo ay uga hadlayaan dagaalka khasaaraha geystay ee maanta ka dhacay degmada.