Ciidamo hor leh oo gaaray Baladweyne

0
170

Cutubyadii ugu Balaarnaa ee Ka Tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka,isla markaana ka Ruuqaansadey Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa xalay Gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ,fariisinna u ah Ciidamada Xoogga Dalka Qayntooda 27-aad.


Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21-aad oo uu Hoggaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13-aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21-aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa Taliska Guud ee Qaybta 27-aad kala Arinsan Doono sidii la iskaga Kaahshan lahaa Dagaalka Kooxda Al-shabaab ,

Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug Iyo Hirshabelle, waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalka lagula dagaalamayo Kooxda Al-shabaab.