Ciidamo Cusub oo Tababar loo furay +Sawirro

0
233

Waxaa Maanta Si rasmi ah loo Furey Xerada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed Oo Dowladda Ingiriiska ka hergalisey Magaalada Baydhabo, iyadoona Ciidamo gaareya 100 Askari oo ka tirsan Qeybta 60-aad loo furey Tababar, Socon doono mudo labo bilood ah,

Waxan Munasabada Lagu Fureyay Xerada, iyo Tababarka Ciidanka Kasoo qeyb galey, Safariika Dowldda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Xasan Maxamed (Amar dambe) Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiiro , Xidlhibaano Odayaasha dhaqanka kgs , iyo Qeybaha kala Duwan ee Saraakiisha Ciidamada ,

Inta Munaasabada Laguda Galin Mas’uuliyiinta Ayaa waxaa ay kormeer iyo Indha indhen ay ku sameyeen Xerada Ciidankan Lagu Tababareyo oo Dowladda Ingiriiska ka hergalisey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay,

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada Koonfur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa boogadiyay Kaalinta dowladda ingiriiska Ay ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka , isagoona Ciidamada Tababarka loo Furey Kula Dar daaramey In ay wax badan ka Faa’ideystaan Si Cadowga uga adkaataan Guulo waa weeyna aad ka soo Hooyisaan ayuu yirii”