Ciidamada Xoogga oo Howlgal kawada Shabeellaha Hoose

0
313

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM,ayaa saakay waxa ay howlgallo ka dhan Kooxda Al-shabaab kawadaan Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa Howlgalka waxa ay si gaar ah uga wadaan Deegaanada kala ah Tooratoorow,Bariire,iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in Howlgalka uu yahay mid ka dhan Xarakada Al-shabaab,isla markaana Ciidamada Xogga ay Al-shabaab ka saari donaan Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sikastaba ha ahaate Howlgalkan ay Saakay Ciidamada ay kawadaan Deegaano katirsan Shabeellaha Hoose, ayaa imaanaya xili shalay Ciidamada Dowladda iyo Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay ku dagaalameen Deegaanka Bariire ee katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.