Ciidamada Somalia oo Sheegtey iney Al-shabaab ku laayay Gobalka Hiiraan .

0
278

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan kooxda  Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan  Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay  dhagarqabayaal ka tirsan maleeshiyada Argagixisada  Al-Shabaab oo saarnaa gaari Caasi ah, halkaana lagu laayay dhamaantood.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay ka soo furteen 18 qori iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan saacadaha Soo aadan.

Guddoomiye Maxamed Nuur Cagajoof  ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka kooxda Argagixisada  ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Howlgalada Ciidamada Xoogga Dalku ay ka wadaan Gobalada Dalka ayaa ah mid lagu Cirib tirayo haraadiga Maleeshiyaadka Naf lacaariga ah, ee sii galbanaya.