Ciidamada AMISOM oo hawlgallo ka fuliyay Shabeellada Dhexe

0
243

Ciidamada Burundi ayaa sheegay in ay hawlgallo miino baaris ah  ka sameeyeen qaybo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada oo si gaar ah hawlgalka uga sameeyay Degmada Mahadaay  ee Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Deeggaano kale oo hoos yimaada, ayaa waxa ay xireen waddooyinka soogala Degmadaasi Mahadaay intii ay hawlgalka ku jireen

Hawlgalka ka dib ayaa waxa ay sheegeen Ciidamada Burundi inuu kusoo dhammaaday natiijo la’aan ayna xaqiijiyeen in aysan jirin miinooyin lagu aasay Deegaannadii ay hawlgalka ka sameeyeen

Howlgalkaan ayaa yimid, kadib markii Askar katirsan Ciidamada Burundi ee ku jira hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM labo qarax lagula beegsaday Deegaanka Buurane oo Degmada Mahadaay ka xiga  dhanka Galbeed.