CC Shakuur oo sheegey cida go’ aamisey hubka iyo ciidanka lagu weererey Ahlu sunna

0
133

Gudoomiyaha wcisbiga wada jir cabdiraxmaan cabdi shakuur oo sheegey cida amarka lagu weererey ahlu sunna bixisey ayaa kaga waramay qoraalkan

Waxaa Ilo-xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab Dowladda Federaalka ah Dhuusamarreeb ka dejisay hubkii Ciidanka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Al-shabaab looga saaro Hotel-lada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag’ dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii Ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Al-shabaab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey Madaxweynaha, R’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugidda. Waa in la ogaado in (xasuuqii xalay Dhuusamarreeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay).

Dowladda Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Al-shabaab iyo xaqiraada lagula kacay hoggaankii Ahlusunna.

Dowladda Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.

Hoggaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

Gudoomiyaha CC shakuur