Calaamad Sujuuda ah : Maxeey Wajiga Ragga Oo Kaliya Uga Muuqataa Oo Aysan Uga Muuqaneyn Wajiyada Dumarka : Ogow Sababta.?!!

0
149

Aayadan hoose ; Waxeey tilmaameysaa ‘ in Umadda Nabi Muxamed csw , Lagu yaqaano Astaanta , Wajiga kaga taalo Oo ah Salaad badnidooda dartood:
قال تعالي:” [سيماهم في وجوههم من أثر السجود”]:
” Aayadan Qiimaha badan Waxeey Noo Tilmaameysaa Calaamada Wajiga Ka muuqato ineey tahay Astaan Umaddan Maxamadiyada U gaar ah , Taasoo Ay Culumo fara badan Oo daafaha Caalamka ku Nool Ay Ku fasireen’ ineey tahay Calamada Madowga ah Ee Wajiga Qofka Muslimka ah Ka muuqato.

Dadka Calaamadan Ay Ka soo muuqato ma ahan dad Ciyaar ciyaar ah Waa Owliyo ilaahey
Waa Adoomo ilaahey Oo Salaadoida Ku Khushuuca , Halka Kuwa Aan Salaada Ku Khushuucin Kuna Xasilin Aysan Ka muuqan
Taariku Salaadne Warkiisa iska dhaaf.

Dadka qaar ayaa Oranaya ;; Waxaa jiro Dadka qaar ayaa Wajiga dhulka ku Xoqo Marka waa Wax qof kasta Sameeysan karo.

F:G; Waxaan lee Nahay Dadka Sidaa Aaminsan Haddii Ay dhacdo in Qofka dhulka madaxa ku Xoqo Hal mar Wax Ka badan , Waxaa ka dhalan Karto dhaawac , Taaso meesha Nabar Muuqdo U yeeleyso, Lkn Calaamadan Wax Nabar ah Ma leh.

Lkn, Dumarka Calaamadan Kama muuqato Saas ay tahay , Waxaa jiro dumar badan Oo Salaada Ku dadaalo Kuna khushuuca
Maca-daalika Hadane kama soo muuqaneyso Calaamadaa.? Maxaa jiro.?

Waxaa la Soo Wariyaa Sadax Tafsiir Oo Kala duwan Oo laga bixiyay Dhamaane Waa Sax:

1= Waxaa Ugu Horeeyo Oo la tilmaama in garbaha Raggu Culeys badan yeelanayaan Markii ay dhulka ku hoobtaan Madaxa dhulka dhigaan ., Culeyskii Madaxa ayaa dhulka Wada tagayo Waxaane halkaa ka dhalanayo Cadaadis foolka kaga imaanayo Dhulka

Waxaa taas badalkeeda khilaafsan garbaha dumarka Ayaga Waa Kuwo Aan Cusleyn Oo Qafiif ah Awoodne Waxeey U leeyihiin ineey Xakameeyan Wax Cadaadis ah Ma soo food Saarayo

2= Tafsiirka labaad Ee laga bixiyay Waxeey tahay ” Ragga Oo inta badan Masaajidda Ayey ku dukadaan Salaadaha Halkaas Oo salaadaha Qaarkood la dheereyo , Marka loo bar bardhigo Dumarka oo ayaga guryaha ku dukado Soona gaabiyo Salaadaha.

3= Tafsiirka Kale Ee laga bixiyay Waxaa ka mid ah Dumarka oo inta badan Wajigooda Xijaab ku daboolo marka ay Sujuudayaan Si toos ahne eysan isu taabaneyn Dhulka iyo Wajigooda.
Marka loo Eego Ragga Oo ayaga Wajigooda Dhulka ku Taabanayo Si toos ah.

4= Tafsiirka Ugu dambeeya Ee Laga bixiyay Waxaa lagu sheegaa Calaamada Sujuuda Dumarka Waa ay ka muuqataa , Lkn Lama arkayo Calaamadooda Sujuuda Waa Mid Cadaan ah , Qeeybta sujuuda ka sareyso ayaana lagu arki karaa.

Dumarka Salaada badan Waxaa laga dareemi karaa Wajigooda Ayaa Cadaan iyo Nuur badan Ka muuqanaya , Marka loo Eego Dumarka Aan Tukan Salaadaha Oo ayaga Aysan Ka muuqan Nuur iyo Cadaan Macnawi ah.