Cajiib: Rag Kabo La’ Oo Xaasaskooda Dab Kala Tallaaba

0
189

Qowmiyadaha caalamka ku kala nool ayaa leh dhaqamo iyo caadooyin aad u kala fog, iyada oo qaar walba ay leeyihiin dariiqad gooni ah oo ay wax ku cabiraan ama ku caabudaan.

Dhaqankani waa mid ku amraya Ninka in uu Xambaaro Xaaskiisa inta aanu la aqal galin ka hor, waxaanu kala tallaabayaa isagoo kabo la’ dhamac dab ah oo shidan, waxaana goobtaasi ku suganaanaya oo eegaya reerka uu la xididay ninkaasi, iyaga oo si xooggan u fiirinaya sida ragannimada leh ee uu ugala tallaabo dabka iyo adkaysigiisu inta uu yahay.

Dhaqankan ayaa ah mid dhab ah waxaana lagu yaqaan dhulka China laakiin ma aha mid ku gaara dhulkaasi, waana mid kamida dhaqanada ugu layaabka badan ee adduunkan.

Marka la tixraaco dhaqankan waxaa jirta aaminaad ah in Marwada la xambaaray ay noqon doonto mid dabacsan isla mar ahaataana u shaqaysa Saygeeda dhamacda la dul maray ee dhibtaas kala soo dabbaashay.