C.raxmaan c.shakuur oo ka hadley sadex dalku rabo

0
166

Sidee la isku waafajiyaa saddexleyda is diidda marka la dooranayo hoggaan heer Federaal iyo Dawlad Gobol. Ruuxa la dooranayo saddex dalkaa ka raba, saddex ruuxa dooranaya, saddexna shaqada loo doortay.

Dalku wuxuu rabaa saddexdan;

1- In Shabaab laga samatabixiyo.
2- In la isku keeno, deegaankiisa kala daadsan, la iskuna tolo danta dadkiisa kala aamin baxay, haddana aan kala maarmin.
3- In dantiisa laga xeeriyo, lag maareeyo danaha is diiddan ee shisheeyaha ku dul hardamaya.

Ruuxa dooranaya wuxuu ka rabaa ;

1- In uu xoolo helo.
2- In uu xil u helo.
3- In la siiyo xurmad.

Shaqada loo doortay waxay ka rabtaa;

1- In uu mabda’, aragti iyo hiigsi leeyahay.
2- In uu aqoon, xirfad iyo waaya aragnimo leeyahay.
3- In uu damiir, dadnimo Iyo dun leeyahay.

Haddaba sidee la isku waafajinayaa saddexleydan?