C.C. Shacuur 100 ruux ayaa shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen.

0
131

Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19). Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dawladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso.

Walaalayaal xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray.

Allaha u naxariisto intii dhimatay, allahana dhowro Inta kale, danbigeenana Allaha dhaafo.

Xigasho abdiraxmaan cabdi shakuur