Boris Johnson oo lagu tilmaamay inuu Qarwayo

0
241

Ra’iisul wasaaraha Luxembourg ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Ingiriiska, Boris Johnson oo ay ka wada hadleen qorshaha Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Labadan mas’uul ayaa kulmay xilli afaafka hore ee dhismaha ay ku kulmayeen ay ka socdeen dibadbax ballaaran oo lagu iidan yahay Boris Johnson. Xavier Bettel ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay ku guuldareysatay inay miiska soo saarto qorshe cad oo ku aadan ka bixitaanka.

Hasayeeshee Boris Johnson oo isaga baxay shirkii jaraai’d ee lagu waday inay si wadajir u qabtaan isaga iyo Mr Bettel ayaa ka baaqsaday in uu ka qeybgalo sababo la xiriira dad ku hor bannaanbaxayay halka uu shirka ka dhacayay, waxaana uu sheegay in wali ay jirto fursad wanaagsan oo lagu gaari karo heshiis.

Battel ayaa dhankiisa sheegay in Brexit ay qaraw ku noqotay Boris Johnson, oo uu sheegay in uu u taag waayay.

Ra’iisul wasaare Johnson ayaa booqanayay dalka Luxembourg, si uu wadahadalo ula yeesho guddoomiyaha midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, u qabilsanaha Yurub ee wadaxaajoodka Brexit, Michel Barnieriyo iyo ra’iisul wasaare Battel.