Boortooyada ingiriiska oo Maanta gaadhey dhimashadii ugu badneyn maalin kaliya Corona Virus.

0
149

UK Corona Virus – Daily Update. UK maanta dhimashada oo xoog u kacday oo laba jibaarantay waa 786. Halkay Shalay ka ahayd 439. Tirada guud ee dhimashada UK waa 6,159 Tirada guud ee xanuunka laga helay waa 55,242. Dadka maanta qaaday waa 3,634.

Raysawsaraha UK oo xaladiisa caafiimad xalay sii xumaatay isagoo loo wareejiyey qaybta intensive care ka. wax shaqadiisii si kumeelgaadh ah uu ku wareejiyey wasiirka arimaha dibada. Hadii wasiirku xanuusadana waxa lagu wareejindoonoo wasiirka maaliyada.

Spain: Dhimashad oo intii shalay kor uga yara kacday waa 743. halkay shalay ka ahayd 637. Tirada guud ee dhimashada spain waa 13,798 dadka maanta qaaday waa 3,835 waxana xanuunka u jiifa 140,510.

Italy: Dhimashada maanta waa 604. Dhimashada guud waa 17,121 waxa ku jira 100 dhakhtar iyo nurses. Tirada dadka u jiifa waa 135,586 waxa maanta qaaday 3,039

Germany waxa qaba 104,199. waxa qaday maanta 3,429. Dhimashada guud oo kor u soo kacaysa waa 1,842

iiraan waxa laga helay 62,589 Dhimashada guud waa 3,872 waxa maanta qaaday 2,089.

Maraykana oo si xawli ah uu u fidayo xanuunka waxa laga helay 380,313 waxa maanta qaaday 32,271. Tirada guud ee dhimashadu waa 11,881. dadka dhintey 24kii sacaadood ee u danbeeyay waa 1,752.

Aduunka iskugeyn wuxuu ku dhacay 1,386,514 Dhimashada aduunka oo dhan waa 79,035.

ilaahay dhamaanteen ha inaga nabad geliyo intii dhimatayna ilahay ha u naxariisto …
aamiin yaa rabi
Xigsho
Governor Takar Farrax