Booliska Oromiya ayaa markii 2aad dib uxirey xubnihii OLF kadib markii maxkamada sare ee Oromiya sii deysay

0
188

Wararka: Booliska Oromiya ayaa markii 2aad dib uxirey xubnihii OLF kadib markii maxkamada sare ee Oromiya laashay eedeymihii isla markaana amartay in lasii daayo

Lammi Gemchu oo ah madaxa kumeelgaarka xiriirka dadweynaha ee OLF ayaa yiri “Lammi iyo Dawit waxay usocdeen tagaasida loo diyaariyay in guryahooda lageeyo waxaana joojiyay ciidamada amaanka oo u labbisan sida shacabka”. Booliska Oromiya oo markaa ka dib Lami iyo Dawit geeyay xarunta lagu hayo ee Mojo halkaasoo ay ku xirnaayeen labadii bilood ee ugu dambeysay.


Gudane ayaa sharraxay, “Bishii Diseembar 25, 2020, maxkamadda sare ee Oromiya ayaa laashay eedaha loo soo jeediyay waxayna amartay in la siidaayo. Booliska Oromiya ayaan u hogaansamin xukunka waxayna Lami iyo Dawit ku xireen saldhiga booliska ee Sebeta. Markii dambe ayaa loo wareejiyay Modjo waxaana loo sheegay inay ahayd ‘amar ka soo baxay guddiga booliska Oromiya’.


Markii ay maxkamaddu weydiisay sababta Lammi iyo Dawit ay xabsiga ugu sii jiraan inkasta oo ay amar maxkamadeed bixisay, haddana warqadda ay soo saareen guddiga bilayska Oromiya waxay tilmaamtay rafcaan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Oromiya u gudbiyay maxkamadda sare ee federaalka bishii Maarso 4, 2021 ee ahayd in la laalo xukunkii maxkamadda sare ee Oromiya.

sources addisstandard