Booliska oo la sheegay iney qabteen Wadihii Gaariga ku qarxay agagaarka KM4

0
190

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Wadihii gaari ku qarxay maanta agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax Khasaara ah.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayey tiri Taliye Zakiya Xuseen Axmed

Dhinaca kale Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay shegeen iney faah faahin ka bixin doonaan Khasaaraha ka dhasahy qaraxii kale ee ka dhacay agagaarka Isgooyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho