Booliiska gobalka bari oo soo qabtey hub magaalada Boosaaso

0
135

Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari, oo maalmihii u dambeeyay hawlgallo ka waday magaalada Boosaaso, ayaa mar kale sheegay in ay soo qabteen, dad haystay Rasaasta Qoriga loo yaqaan RPG-7.

“Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howl galadii ka socday magalada bosaso ku soo qab qabtay rasaasta qoriga loo yaqaano 7ka iyo dadkii haystay kuwaasi oo la rabay in lagu khal khal galiyo amniga magalada bosaso.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Bari.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo qabteen dad guryahooda hub ku haystay, islamarkaana iyaga iyo hubkooda dhowaan la soo bandhigi doono, inkastoo aysan faahfaahin ka sii bixin.