Home WARARKA MAANTA Booliiska AddisAbeba oo mamnuucey rashka dabaal dega sanadkooda

Booliiska AddisAbeba oo mamnuucey rashka dabaal dega sanadkooda

0
61

Booliiska #AddisAbeba waxay mamnuuceen rashka sanadka cusub ka hor sanadka cusub “cabsi laga qabo weeraro argagixiso”

Gudiga booliska ee Addis Abeba ayaa maanta shaaca ka qaaday inay la kulmeen shaqsiyaad qorshaynayey inay fuliyaan weeraro argagixiso iyagoo ku hoos qarinaya rashka la xidhiidha dabaal degga sanadka cusub ee Itoobiya caawa.

Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Qeybta Warbaahinta, Isbatooraha Markos Tadesse, ayaa u sheegay FBC oo xiriir la leh gobolka in booliska ay mamnuuceen in shaqsi kasta uu isticmaalo buleeriga.

“Cidkasta oo jebisa xayiraada si deg deg ah ayaa loo qabanayaa” FBC ayaa soo xigatay Isbatooraha.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com