Banaanbax ka socda Baladweyne +Sawirro

0
292

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Banaanbax lagu taageerayo Guddoomiyihii Xilka laga qaaday ee Magaalada Balad weyne in uu ka socdo Magaaladaasi.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya Dadka ku nool Magaalada Balad weyne waxa ayna ku taageraayan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed),waxaana looga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.

Sidoo kale Banaanbaxaayaasha ayaa wata Boorar ay ku qoran yihiin (Ka dhiidhi dhibtaada ay Hir-shabeelle ku heyso Gobolka Hiiraan), waxa ayna sidoo kale dhagxaan ku xireen Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa ayaa hakad geliyay Ganacsigii ka jiray Magaalada,waxaana la soo warinayaa in xaaladda Magaalada Baladweyne ay maanta kacsan tahay.

Sikastaba ha ahaate tan iyo markii Madaxweyne Waare uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan,ayaa waxaa bilaawday Xiisaad looga soo horjeedo arrintaasi,iyadoona Guddoomiyihi Xilka laga qaaday ee Yuusuf Daba-geed uu Xilka qaadistiisa ku tilmaamay iney tahay mid sharci daro ah.