Banaanbax ka dhacay Cadaado & sababta ka dambeysay

0
253

Waxaa Maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado, waxa ayna banaanbaxayaasha Madaxda Dowladda Federaalka, ka dalbanayeen ineysan ka bixin Ballantii aheyd in Xarunta Baarlamaanka Galmudug laga dhigo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Cadaado, oo Banaanbaxayaasha kula hadlay fagaaro ku yaalla Cadaado,ayaa sheegay in ay adkeeynayaan hadalkii shalay ee ahaa, haddii ay Madaxda Dowladda ay ka baxdo ballanta ay la galeen,isla markaana ayagana aysan ka qeyb gali doonin dhismaha Galmudug.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay muhiim tahay iney fuliso ballnta,isla markaana ay meel saarto Maqaamka Cadaado, sida ay hadalka u dhigeen.

Sikastaba ha ahaate banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada cadaado, waxa uu ku soo aadaya xili magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, lagu soo gabegabeeyay Shirka dib u-heshiisiinta Galmudug,isla markaana Madaxweyne Farmaajo, uu sheegay in loo gudbayo Wajiga Labaad ee Dhismaha Galmudug dhameystiran.