AXKAAMTA SOONKA – Dersiga 3AAD

0
143
  • Maxaa qofka mukallafka ah u banneeya inuu afuro maalinta Ramadaan?

(Mukallafku waa qofka laga helay shuruuddii ku waajibinaysay soonka)

Ilaahay diintan waxa uu ka dhigay mid dhibirsan oo sahlan, wax kasta oo culays iyo dhib ku keenaya addoomihiisana wuu ka koryeelay, wax kasta oo uga dhaca si awooddooda ka baxsanna wuu ka cafiyey.

Dhammaan sababahan hoose waxay u banneynayaan qofka uu soonku ku waajibay in uu iska afuro oo marka uu xaaladdan ka baxo qalleeyo- dib u soomo- maalmihii uu afuray, waana kuwan:
1- In uu xanuunsanayo, xanuunkani wuxuu u qaybsamayaa laba xaaladood:
a- In uu ku jiro xaalad xanuun ama uu hayo xanuun aanu la soomi karin, amaba soomiddu culays ku tahay, amaba soonku caafimaadkiisa wax u dhimayo, rajeynayana inuu ka bogsado oo ka kaco, xaaladdan wuu afurayaa, marka uu bogsadana wuu qalleynayaa maalmihii uu afuray.

b- In uu qabo xanuun joogto ah oo aanu filayn in uu ka bogsado, sida in uu qabo xanuunka macaanka/sonkorta oo heer halis ah gaadhay, xaaladdan wuu iska afurayaa, maalin kasta oo Ramadaan ka mid ahna qof buu afurinayaa (Afur iyo Casho), amaba wuxuu bixinayaa raashin u dhigma 1.25 kg.

2- In uu socoto – musaafir- yahay, safar xalaal ah, oo aanu ku jirin safar xaaraan ah, amaba safar xeeladaysi ah oo uu soonka kaga baxsanayo.
3- In uu yahay qof da’ ah, gaboobay oo aan awood ahaan soomi karin.
4- In ay gabadhu leedahay dhiigga caadada ama dhalmada.
5- In ay gabadhu uur leedahay ama ilmo nuujinayso- xaaladahan gabadhu marka ay ku jirto waxa ay soonka uga tegi kartaa laba arrimood midkood:
1)- In ay ka baqdo in nafteeda dhibaato soo gaadho hadii ay soonto ama:
2)- In ay ilmaheeda yar ee ay xaamilkiisa tahay amaba nuujinayso u cabsato in ay dhibi soo gaadho.

Haddii ay gabadhu labadan xaaladood mid ka mid ah u afurto, waa in ay qallaysaa marka ay xaaladdaas ka gudubto, culimada qaarkood ayaa ku tagsan haddii ay gabadhu u afurto xaaladda labaad oo ah in ay ilmaheeda u cabsatay, markaa waa in ay isku dartaa qalle iyo kafaaro bixin, taasoo ah in ay maalin kasta oo ay afurtay qof afur siiso, amaba iska bixiso 1.25 kilo oo ah cuntada daruuriga ah ee ugu isticmaalka badan deegaanka ay joogto, sida daqiiqda, bariiska iwm, sidaas waxa laga weriyey Ibn Cabbaas iyo Ibn Cumar Alle ha ka raali ahaado iyaga iyo waalidkoodba e.

Haddii gabadha ay u suuro geli waydo in ay qallayso, sida dumarka caruurtoodu isku nuugga yihiin oo kale, culamada qaarkood baa yidhi kafaaro keliya ha bixiso, wax qalle ahna laguma laha.

Arimahani dhammaantood waxa ay muujinayaan sahlanaanta diintan iyo in Alle addoomadiisa ku kelifay oo keliya waxa ay awoodaan, mar kastana kartidooda iyo karitaankooda la tix gelinayo.

Alle waxa aanu ka baryeynaa in uu dhammaanteen diinta ina fahamsiiyo, dhaqan gelinteedana ina waafajiyo, inagu nooleeyo oo inagu oofsado, oo inagu sugo kelmadda toosan if iyo aakhiraba- aamiin dheh.

Fadlan share garee si looga wada faa’iidaysto, adna aad ajar uga hesho.

واعلم أنّ الدال على الخير كفاعله.
La soco dersiga xiga——

Dr-Abdulqani Hussein Beder