Askari ka tirsan Ciidamada Puntland oo Diley nin Ajaanib ah

0
235

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu ugu geystay magaalada Boosaaso nin ajanabi ah oo u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay magalada Boosaaso

 Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Askarigan  dilay Ninka Kenyaanka ah, isla markaana ku xiran xabsiga magaalada Boosaaso isaga oo halkaa ku sii jiri doona inta cadaaladda laga horgaynayo

Dhanka kale Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax lala damacsanaa in lagu weeraro Hotel Boosaso

Waxa ay intaa ku dareen Taliska Ciidamada Booliska Puntland in hal askari uu dhaawac fudud uu kasoo gaaray kaasi oo hadda caafimaadkiisu u wanaagsan yahay laguna dabiibayo Cisbitaalka magaalada Boosaaso