Ardeydo ku guuleysatey imtixaankii dab damiska oo hargeisa imid dhamaan gobalada

0
145

Xubnihii dhawaan si rasmiya u noqday Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaa maanta soo gaadhay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa, halkaas oo ay uga bilaabmi doonaan tababarada kala duwan ee Ciidanka Dab-demiska.waxaana soo dhaweeyay maamulka sare ee Ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha ciidanka.

Xubnahan ayaa dhawaan ku soo baxay imtixaam daahfuran oo ciidanka Dab-demisku ku qaaday saddexdaa magaalo, waxaanay xubnahani noqonayaan guuleystayaashii imtixaamkaas.

Tababarada ay qaadan doonaan ayaa waxaa ka mid ah tababarka ka hortagga dabka, gargaarka degdega ah ( First Aid ) , tababarka Laydhka iyo tababaro kala duwan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
[email protected]
990 Gurmadka Degdega ah