Ardeydii soomaaliyeed ee wuhan joogey oo lagu ilaawey halka kuwii wadamada kale laga saarey

0
144

Ardey badan oo somaliyeed ayaa wax ka dhigaanayay magaalada uu ka dilaacey coronavirus ee wuhan.

Halkaas oo wadamo badan ardeydii ka joogey kala baxeen halkii kuwii an awoodina wadamo kale ka codsadeen iney ardeydo uga soo saaraan halka ardeydii soomaaliyeed lagu ilaabey.

Waxaa si adag uga hadley cabdiraxmaan cabdishakuur oo ku dhaliiley dawlada waxaanu yidhi.

Waxay ii sheegeen Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha in ardaydii Suudaan, Yemen iyo Ciraaq laga soo saaray halkaa, ka dib markii dawladahooda ay ka codsadeen dawlada Istuga Imaaraadka Carabta in ay gacan ka siiso soo bixintooda. Waa la ogyahay dawlada Soomaaliya in aysan lahayn tabar ay ku soo bixiso ardaydaas iyo meel ay ku karantiisho, laakiin codsi ayey u gudbisan kartaa dawladaha Carbeed. Haddii ay Imaaraad isku xunyihiin, aaway Qatar tii dalka loo afduubay oo darteed dawladihii kale loola kala dhintay? mise badbaadinta ardaydaas ayaan dan laga lahayn?