Amarka xukumada somaliland oo fulay

0
26

Xukuumada Somaliland oo qaaday talaabadii koobaad ee isla qodobadii saaka soo saareen gudida qaran ee kahortaga Coronavirus gaar ahaana in la xareeyo dhamaanba rakaabka kasoo dega garoonka diyaaradaha Hargeysa .

Wararku waxay intaa ku darayaan in ay kujiraan masuuliyiin iyo mid kamida dadka xamaaliinta ee garoonka ka shaqeeya oo alaab u qaaday haweenay katirsaneyd shaqaalaha madaarka oo safar kasoo laabtay waxaana hada loo qaaday goobihii ladejinayay ee loogu tala galay .

Waxaa sidoo kale gudaha Hargeysa iyo magoolooyinka kale ee Somaliland laga dareemaya inay joogsadeen munaasibadihii iyo goobihii dadku isugu iman jireen oo kamid ahaa isla qodobada gudidu ugu tala gashay in lagaga hortago cudurkaasi faafitaankiisa oo xiligan u muuqda in xukuumadu aad uga gaashaamatay.

Faysal fifa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here