ALAMATA ilaa ADDIS ABABA: Safarkii Ismiidaaminta ahaa

0
167

Wiil soo maray jidka
Maalin Sabti ah ooy ku beegan tahay 26-ka bishii Juun ee ina dhaaftay ayuun baan si kedis ah jidadka magaalada Maqalle ugu aragnay ciidamadii dowladdoo lug ah oo ilaa 7-dii fiidnimo si dhammays ah uga wada baxay magaalada. Isla barqadii xigtay magaalada waxaa soo galay ciidankii kooxda duurka gashay ee TPLF.

Labo beri gudaheed millateriga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Amxaaradu waxay isaga huleeleen dhammaan saldhigyadeedii dowladda ee gobolka Tigreega, iyagoo u banneeyay inay dib ugu soo laabato kooxdii awalba gobolkaa ka talin jirtay ee TPLF.

Ciidamada tasoobay ee TPLF oo bilaha buuraleyda ku jirey―si ay halkaa uga la diriraan ciidamada dowladda ee gobolkooda ku soo duulay―goortii ay jidadka magaalada Maqalle soo-galeen, muuqaal ahaan waxay ahaayeen kuwo duruufaysan, dareen ahaan se faraxsan.

Shicibkoodii oo u muuqday dad la haystay oo laga fuqay ayaa ciidamadii soo-galay si milgo leh ugu dabaaldegay. Dabadeed ciidan maxaabiis ah ayey jabhaddu noogu keentay Jaamacadda faracii aan ku jirnay.

Dadkii cabbursanaa iyo magaaladii dansanayd ee bandowga ahayd hal mar uun bay saaxiga noqdeen ooy wax walbana sidoodii ku soo laabteen. Dowlad ay rabaan ayey dadku heleen. “Cabsi iyo welwel ma jirto” ayaa ahayd weertii u badnayd ee ay dadwaynuhu isku oranayeen.

Jabhaddaan oo tasniif miiran ah, kadib sitimaan aan bilaa koronto ahayn layrkii wuu noo soo laabtay oo jabhaddaa iskeed u samaysay.

TPLF markii ay Maqalle dib ugu soo laabatay waxay si toos ah u bilowday qorista ciidan cusub oo ka kooban dadkii degaanka oo lab iyo dheddig (da’ kasta leh), ardadii Jaamacadaha oo takhasus walba leh iyo weliba maamulkii iyo macallimiintii jaamacadaha.

Jidadka gobolkaa gala oo muddo bilo ah xirnaa iyo cunaqabatayn guud oo Tigree kilal saarnayd awgeed maciishaddii noloshu way yara korodhay. Laakiin suuqyada magaaladu maahayn kuwo laga dareemi karay cunaqabataynta muddadaa dheer gobolka saarrayd.

Runtii, Jaamacadda iyo dadka reer Tigree way noo hagar-baxeen, kala maanan kulmin handadaad iyo hanaayo toonna, bal’e niyad wanaagga ayey ba noo muujiyeen ― sidii aan joogno dhulkayagii.

Toban beri kahor ayey Jaamacadda iyo dowladdu ka wada hadleen sidii loo soo daadgureyn lahaa ardada Soomaaliyeed ee ku xeraysan ubucda Tigree kilal. Tijaabo ahaan ayaa dhowr boqol oo ardaydayadii kamida loo keenay meel xigta xuduudka Canfarta; nasiib-darro, dowladda ayaa imaan weyday meeshii lagu ballamay―sida ay Jaamacaddu noo sheegtay. Ugu dambayn, ardaydii dib ayaa Maqalle loogu celiyay. Judhiiba Jaamacaddu waxay ka cudurdaaratay inaanay noo heli karin dhaqaale ay ku kafayso quutul yoomkayaga iyo gasiinkii aan cuni lahayn. Dabadeed ani iyo asxaab kale waxaan qaadanay go’aan kama dambaysa oo ah inaan gobolkaan isaga baxno ―si kasta oo aan uga bixi karno.

Maadaama oo bangi furan uusan jirin, lacag hore oo aan haysanayna aysan jirin, si aan dhaqaale uun oo ugu yaraan jidmar noogu filan u helno waxaan iibinay dharkayagii xirashada iyo bustayaashayadii huwashada. 21-kii bishaan ayaan ka soo safarnay Maqalle isla markaana soo nabadgalnay Alamaata. Magaaladu waxay ahayd mid noloshu si caadi ah u kala socoto, asii raadadkii dirirtu ka sii muuqanayeen.

Magaaladaa waxaan isku aragnay Soomaali kale oo badan, se annagoo shan keliyaata ah ayaa safar lug ah kaga soo baxnay 1-dii duhurnimo, shan saac oo habeennimo ayaan soo galnay magaalada Kobo.

Intii aan u kala lugaynaynay Alamata iyo Kobo waxaan soo marnay tuulada Waja ooy ciidamo jabhadda TPLF ah lagu ururinayey ―weerar dagaal. “Iska jooga, meesha dagaal baa ka socda” ayey na yiraahdeen ciidanku, balse baaqsan mayno baan u sheegnay oo dhaqaale ma haysano, jaamacaddiina banaanka nooga baxa ayey nagu tiri. Sidaa darteed waan soconaynaa oo sinnaba kuma joogsanayno, meel aan ku noqono iyo sabab aan u noqono garan mayno. Horjoogayaasha ciidanku way ka xumaanayeen xaaladda na haysata, misana way noogu cudurdaarayeen duruufaha dabada naga riixaya. Sidii ayaanna kusoo ambabaxnay.

Isku xilli ayaan jabhadda iyo annagu tuulada ka soo wada baxnay. Iyana dhimbilo colaadeed ayey gobolka Amxaarada usoo waldaaminayaan, annana aafada khatartaas oo na gaadhay nafahayaga kala cararaynaa.

Safar halis ah, furin dagaal oo aanan la isu beer-naxayn. Qoloba qolada kale dhankeeda ka feejigan tahay. Qowmiyado dagaalkooda sinjiga ah uu dhiigga raacay abidkoodna dirirayey. Talo farahay ka baxday, farriimaha cabsida ah ee niyadda talantaalliga ugu soo dhacayaa baqdin aan caadi ahayn ayey ku biyeynayaan kelya-adaygga iyo go’aanka ismiidaaminta ah ee aan qaadanay.

Galabnimada aan lugta maalaynaa waa Jimce, jidka aan marayno oo Arbacadii lagu diriray ayaan la soo kowsanay Lo’ la rasaaseeyay oo bakhtigeedii jidka daadsan yahay.

Naftu way tawaawici, lubbiguna wuu tallami, ta rabbi ayey se tegi.

5:30 galabnimo goor ay ku beegan tahay ayaan soo gnlay fariisin ciidan ooy isbaaro ku xiran tahay. Taliyahoodii ayaa nala hadlay oo nagu yiri: “Soomaali miyaa tihiin?”. Dabadeed wuxuuna yiri: Somalioch minimnachu, oo u dhigan Soomaali waxba na ma dhexyaallaan ee iska socda. Hagaag!

Cajabta aan isbaaradaa ku aragnay waxaa kamid ahaa, wiil qiyaastii 12 sano jira oo askarta kamid ah ayaa intuusan xarigga naga qaadin nagu yiri, “buskud ma idin siiyaa?”. Markaasaan ku niri, maya. Waad mahadsan tahay. “Ma dhaqaaqaysaan ilaa aan buskud idin siiyo ayuu nagu dhahay”. Runtii waxay kamid tahay xaaladaha aanan sida fudud maankayaga uga tirmayn.

Isagoo yariis ah, misana fariisin ciidan iyo goob colaadeed jooga ayuu isku dayayaa inuu naxariistiisa wanaagsan nagu sagootiyo!
Daqiiqado kooban markii aan soo soconay waxaan soo gaarnay oo aan in cabbaar ah dhex maraynay meydkii ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadkii Amxaarada ee taabacsanaa oo jidka dhiniciisa bidix daadsan.

Abbaara 6:50 maqribnimo ayey markii u horreysay noo muuqatay bildhaantii magaalada Kobo. Magaalada difaaceeda waxaan ku aragnay gaadiid badan oo la gubay, meydad aad u tiro badan oo daadsan. Goor 7:10 daqiiqo ah ayaan magaalada soo galnay.

Sarkaal TPLF ka tirsan ayaa na qabtay oo nagu yiri: “Magaalada isakaga jooga oo ha gelinina, ciidanka oo keliyaata ayaa joogaa. In la idin dilo ayaa suurtagal ah”.

Meel aan ka joogsano iyo meel aan u joogsanaa nooma taal, jidka aan saaranahay oo dhan ayaa halis aad u daran ah.

Laamidii aan cagta haynay ee magaalada dhexmarayey ayaan si kama’ ah uga bayrnay, dabadeed saddex nin oo cabtoy jabhadda ka tirsan ah ayaa qabtay oo noola dhaqmay sidii hore si ka duwan; iyagoo labo taleefan naga qaaday. Markii dambena iska kaaya sii daayey.

Maadaamoo aysan saraakiishoodu arkaynin, mugdi tahay, annana waddadii ka leexanay, khaladkaasi maaha mid aan jabhaddoo idil u wada tiirin karo, balse waa xumaan ay burcaddaasi la gaar ahaayeen.

Goor alleyl dumay oo ay 7-dii fiidnimo iyo wax dheer saacaddu tahay oon luuqluuq marayno ayaan aragnay guri toosh ka baxayo. Waan galnay mise waa guri reer Amxaaro ah deggan yihiin. Iyagaan habeenkii tuurta la dhignay, canjeerona na siiyey, subixiina aroor hore na toosiyey. Way baqayeen oo raaf baa jira.

Magaalo uumigii colaaddu weli ku huursan yahay, ciidanka TPLF-tu ay sheki badan ka qabaan dadka ay qabsadeen, khatarta in adoo iska lugaynaya dhabarka lagaa toogtana aysan meelna kaa jirin.

Meel dagaal ayey ahayd oo qub dhacda rasaasta waan iska maqlaynay. Buur ayaa ka dambaysay guriga aan kujirnay, habeenkii oo dhan qori weyn (oo malahayga BM ahaa) ayaa ilaa 12-kii habeennimo dhacayey oo aan is niri fariisimo fog-fog ayuu garaacayaa. Hurdo ha sheegin, haddiiba sidaa lagu nabag helayo. Waayo gibilka goobtu maaha mid xasilloon oo qiic dagaal yaa ku gadaaman.

Subixii markaanu soo toosnay annagoo socod u soo kabo illannay intii aan magaalada dhex soconay indhahayagu waxay qabanayeen boob iyo bililiqo loo geystay dhammaan goobihii ganacsiga ee magaalada. Guri kasta oo ganacsi iyo bangi walba wuu jabnaa. Ma hubo inay jabhaddu sidaa amartay iyo inay dadkii shacbka ahaa biliqaysteen. Laakiin dadkii magaalada waxyeello ay ciidanku u geysteen ma jirin, sida xusuuq oo kale. Laakiin xaq ayey kujireen raga hubqaadka ah oo idil, iyagoo u cararayey jid kale oo Weldiya aada.

Askartii u horreysay ee aan subixii laamiga isku aragno ayaa nala talisay oo nagu tiri, “Meesha ka marinina, dagaal toos ah baa ka socda”. Yeelkadeed e warkoodii ma aanu yeelin; intaan cabbaar soo luuqya-luuqaynay ayaan jidkii cagta soo saarnay.
6:30 subaxnimo ayaan kasoo ambabaxnay Kobo, intii aan soconay ciidanku way na feer socdeen iyagoo lug ah iyo iyagoo gaadiid saran ba.

Afaafka laga soo baxo ee magaalada waxaan kula kulannay nin sarkaal ah, waxaan u sheegnay in Jaamacadda bahjadkii ka go’ay, ooy tiri ardada waad iska fasaxan tihiin. Wuu noo garaabay inuu aad uga xun yahay, meeshaan u socono inay khatar badan tahay ayuu noo sheegay. Waan ognahay ayaan se u sheegnay. Sidaas ayaanna kusoo dhaqaaqnay.

Kobo waa magaalo caan ah oo degaanka Amxaarada ku taal.

Markaan xoogaa soo soconay waxaan soo galnay meel shalay oo kale dagaal ka dhacay, meydku aad u waran yahay. Kadib waan ka soo gudubnay, socod lug ah ayaan dhulkaasoo idil ku maraynaa, ilaa saddex saac iyo bar. Intaa aan soo soconay indhayagu keliya waxay qabanayeen gawaari la gubay iyo meyd daadsan. Naxdinta na beer-goysay een cidladaa kusoo aragnay waxaa kamid ahaa, askeri dhaawac ah oo “I qaada” leh!

Meeshii u dambeysay een TPLF kusoo dhaafno waxay ahayd kaabiga magaalada Robit. Sarkaal aan qiyaasayo inuu ciidamadii horee Itoobiya kamid ahaa ayaan kula kulannay. Wuxuu noo sheegay inaanay cidna wax nagu samaynayn, ooysan iyaguna shacabka waxba u geysanin. Isagoo huwanta ku eedeeyay inay maatada iyo maganta xusuuqaan.

Hadalladii iigula yaabka badnaa ee uu nagu yiri waxaa kamid ahaa:

“Waa ognahay ciidamo Mustafe soo diray inay dagaalka kujiraan, laakiin wax macne ah ma lahan oo waan ognahay in go’aan uu isagu leeyahay aanay ahayn. Waad aragtaan wixii ku dhacay dadkii isasoo bahaystay. Socda oo nabad taga. Ha isku deyinina waxaannahay wax aanan ahayn in aad naga sheegtaan”.

Isla bartamaha magaaladaas ciidanka dowladdaa fadhiyey. 20 daqiiqo oo quraata ayaan labadaa ciidan u kala soconay.

Labadaa ciidan ee xoogaaga yar isu jira intii aan dhex-soconay waxaan dhabarka saarsanay go’ cad oo calanka nabadda u taagan.

Halista u daran waa in kuwii aad ka tagtay iyo kuwa kaa horreeyaaba khadkaa cagaaran dhexdiisa kugu toogtaan. Magan!

Ciidankii dowladda markaan soo gaarnay way na qabteen, waan isu sheegnay, wayna na sii daayeen. Balse oday Amxaar ah oo Kobo naga soo raacay, marada cad een calanka ka dhiganayna isagu watay ayey ciidanku si gaar ah u weydiiyeen “Ciidanka TPLF ma badnaayeen, iyo ma soo dhow yihiin?”. Wuu u sheegay inay badnaayeen ooy waxyar u soo jiraan.

Robit markaan ka soo baxnay ee aan Weldiya nimi, waxaa laamida bartankeeda nagu qabsaday Amxaaro seefo wadata, runtii waan siganay inay na dilaan. Maadaamooy nagu arkeen aqoonsiga (ID-Card) Jaamacadda Maqalle. Mar dambe oo aan tusnay aqoonsi kale (Baasaboor Soomaali) ayaa wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadkii nagu soo xoomay ee jidka marayey uu ku yiri, sii daaya waa runtood e, way jiraan arday Soomaali ah oo halkaa jaamacado ka barta.

TPLF indhahooda waxaa ka muuqday farxad iyo inay yihiin niman guuleystay. Ciidamada huwanta ahna niyadjab iyo mooraalxumaa ka muuqatay.

Masaafadaa 80-ka kiiloomitir ah ee aan lugta ku marnay 60-80% jabkii dowladda oo laba beri gudahood ah ayaan kusoo aragnay. Halkaas waxaa laga qiyaasi karaa masaafadab aan caadiga ahayn ee ay raggaasi maalinkiiba jarayaan.

Saadaal ahaan, TPLF oo iskeed u doorata inaanay halkaa soo dhaafin, amaba aanan awood ciidan oo cirka ah lagu celin si fudud ayey meelo badan ku qabsan kartaa. Waayo noomay muuqan, furimaha dagaalka iyo ka-gadaalna kuma aanan soo arkin awood xoog leh oo nimankaa hortaagnayd.

Sababtoo ah, degaannadii Amxaarada ee aan soo dhexmarnay dadkii sahacbka ah way qaxayeen, ciidankiina dib u gurasho ayaa u naf ahayd.

TPLF waxay u muuqatay ciidan tababar la siiyey oo mooraal ahaan dhisan, halka kuwa dowladda iyo maleeshiyaadka Amxaaradu u muuqdeen askar jabtay iyo shicib la hubeeyay oo baqdin qaba.

Si guud, dhulkii Tigreega waxaa ka muuqday urursanaan iyo nidaam dowladnimo oo yar kufay―shacab iyo maamul wadajira, laakiin dhinaca Amxaarada gebi ahaanba nidaamkii wuu ku daayay oo wax walba way isku dhexyaaceen. Shacabka hubaysan ee qoryuhu u gacangaleen qudhoodu waa culaab ay dowadnimada Itoobiya in muddo ah dhibtooda la tacaali doonto.

Sheekada gebi ahaanteedba waxaan ka xiganayaa waayo-arag jidkaa halista badan naftiisa kusoo biimeeyay, mudane Siciid Saciid Macalin Bashiir Faranuug, aniga oo Barkhad Cabduqaadir ah ayaana qoraal u rogay.

WQ Barkhad CabdulqaadirALAMATA ilaa ADDIS ABABA: Safarkii Ismiidaaminta ahaa

WQ Barkhad Cabdulqaadir