Al-Shabaab oo shaaciyey muuqaallada iyo sawirrada kooxdii fulisay weerarkii Manda Bay

0
190

Warbaahinta taageerta ururka Al-Shabaab ayaa baahisay sawirrada iyo muuqaallo laga duubay kooxdii weerartay saldhigga Manda-Bay ee ku yaalla gobolka Lamu ee waqooyiga dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa weerarkaas ku dilay askari Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo ciidamada Mareykanka la shaqeynayey, sidoo kale ku dhawaad 10 naskari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay weerarkaas, sida ay warbahintu qortay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale qiratay in waxyeelo kasoo gaadhay weerarkaas.