Al-shabaab oo ka hadley weerar ay ku qaadeen saldhiga mareykan ee kenya

0
41

Al-shabaab ayaa sii deysay fariin maqal iyo muuqaal ah oo hogaamiyahooda, Abu Ubaidah oo uu kaga hadlayo 5 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdooda, oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Lamu Kenya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in weerarkii Manda Bay ay fuliyeen dagaalamayaal ka kala socday Yemen, Tanzania, Ethiopia iyo Soomaaliya.

Abu cubayda oo jeediyay kalmad ku baxaysay af carabi ayaa ka hadlay wixii ku kalifay inay Al-shabaab xerada weeraraan iyo khasaarihii ay u geysteen ciidamada Maraykanka.

Wuxuu sheegay in saldhigaas lagasoo abaabulo shirqoolada iyo weerarada ka dhan ah kooxdooda.

Muuqaalka cusub oo lagu baahiyay baraha internetka waxaa kasoo muuqanaya raggii fuliyay weerarkii Camp Simba.