Al-shabaab oo dad ku dilay gobolka Hiiraan

0
170

Al-shabaab ayaa dad shacab ah ku toogtay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

al shabaab ayaa 3 nin oo ka mid ahaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaas  si arxan darro ah u dilay, iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Saddexdaan ruux ee alshabaab ay sida xaqdarada ah ku dishay ayay dadka deegaanka noo xaqiijiyeen in ay ka mid ahaayeen dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool deegaankaas,iyagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato xooggan ku haayaan dadka rayidka ah.

Al-shabaab ayaa had iyo jeer laaya dadka la shaqeeya dawlada faderal somaaliya ee ku tuhmaan iney basaasiin u yiihin dawlada iyo wadamada shisheeya kuwaas oo meel fagaaare ah ku dila.