Al-shabaab iyo Macawiisley oo ku dagaalamay Hiiraan

0
234

Waxaa Faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysa Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawiisley oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Deegaanka Ceel-waare oo ku yaalla Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Macawiisley ay weerar xooggan ay ku qadeen Saldhig ay Kooxda Al-shabaab ku la hayeen Deegaanka Ceel-waare,kadibna halkaasi waxaa ka dhacay dagaalka xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen,hubka noocayadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay Kooxda Macawiisley, ayaa sheegay in dagaalka ay ku qadeen Al-shabaab ay kaga dileen 4 Dagaalame,isla markaana dhankooda ay kaga dhinteen labo Dagaalame sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago hadalka Saraalka u hadlay Kooxda Macawiisley ilaa iyo hadda ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi inta uu gaarsiisan yahay.

Maamulka Gobolka wali kama uusan hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Deegaanka Ceel-waare ee katirsan Gobolka Hiiraan.