Agaasimaha caafimaadka Somaliland oo cadeeyey in jiraan 16 qof oo la kaaratimeeyey

0
35

Ugu danbeybtii Dr Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland oo kamida masuuliyiinta sida weyn ugu hawlan qorshaha socda ee kahor taga Coronavirus , oo khadka taleefanka aan ku heley ayaa ii xaqiijiyay in ay jiraan 16 ilaa 17 qof sida uu ku qiyaasay oo saaka ay karan timeeyeen kuwaasoon haba yaraatee laga helin caabuqa Coronavirus balse loo aaneeyay wadamada ay kasoo duuleen ama ka yimaadeen oo cudurkaasi si weyn u saameeyay .

Waxaanu intaa ii raaciyay inay ku karan timeyn doonaan mudo laba wiig ah goobo xukuumadu u diyaarisay oo lagaga qaadi doono dhiig iyo sheybaadho kala duwan hadii aanay caalamadahaasi kusoo bixina la fasixi doono 14 cisho kadib.

Waxaanu kusii daray hadalkiisa inaanay maanta uun ku eekeyn hawshani ee ay ahayd mid mudooyinkanba ay wadeen siina wadi doonaan .

Faysal Fifa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here