9 Qof oo Cusub oo laga Helay Soomaaliya COVID19

0
198

War saxafadeed ay soo saartey wasaarada caafimaadka somaaliya ayay ku cadeysay in 9qof oo cusub laga heley COVID19 waxaanu u qornaa sida tan

War-saxaafadeed
Coronavirus (COVID-19)

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.

Dhammaad

#