5-ta Su’aalood ee Gabadhaha Garoobka ama Doobka ah Ay Ugu Necebyihiin In La Weydiido

0
606

Arrimaha dhibaateeya gabadha doobka ah wey farabadan yihiin, kuwaas oo ay si maalinle ah ay u waajahaan oo dadka ku hareeraysan ay kala kulmaan, waxaa la weydiiyaa su’aalo aan laga fiirsan oo dareenkooda waxyeeleeya, khusuusiyaadkooda gaarka ah ku saabsan.

Ixtiraam khusuusiyaadka u gaarka ah gabadhaha doobka ah

Gabadhaha doobka ah ixtiraam goonni ah ayey uga baahan yihiin bulshada ay ku dhex nool yihiin oo ka duwan kan dadka kale, waxaa jira ixtiraam goonni ah oo ay bulshada uga baahan yihiin oo muhiimad weyn agtooda ka leh, waana ixtiraamka khusuusiyaadkooda u goonnida ah iyo ixtiraamka noloshooda gaarka ah, arrintaasna waxaa lagu gaari karaa in laga digtoonado faragelinta noloshooda gaarka ah, noloshooda iyaga ayey gaar u tahay, dadka oo dhani lama wadaagaan.

Su’aalaha Ugu Shaacsan ee ay Ugu Necebyihiin in la Weydiiyo Gabadha Garooobka aha ama Doobka ah

1- Maxaad u guursan Weyday?

Waa su’aasha ugu badan ee ku dhacda dhagaha gabadhaha doobabka ah, waa su’aal aan macno badan ku fadhin, faa’iidana aan soo kordhineyn, gabadha khalkhal ayey ku abuurtaa, weyna murug gelisaa, sababtuna waa inaan in marka horeba su’aashu ay tahay mid shaqsi ah, waa arrin gacanta rabbi ku jirta oo qof walba waqtiga uu Alle ugu talogalay ayuu calafkiisu yimaaddaa, sidaas oo kale; waa su’aal ay ku xeeran tahay arrimo badan oo khaas ah oo gabadha si goonni ah u khuseeya.

Goormaan Guurkaaga ku faraxi doonnaa?

Waa su’aasha ugu badan ee gabdhuhu ay kala kulmaan muraasabadaha arooska, su’aashan inta badan waxey ka timaaddaa saaxiibada qoyska iyo qaraabada hooyada gabadha, waana su’aal gabadho badan ka hortaagan iney ka qeybgalaan munaasabadaha faraxadda ah ee qoyskooda iyo dadka ay asxaabta yihiin ay qabsadaan.

3- Maxaad ku diidaysaa raggan faraha badan ee guurkaaga doonaya?

Su’aashan waxaa ku badan oo gabadhaha weydiiya dumarka qoyska ay yihiin oo aaminsan iney xaq u leeyihin iney su’aashan weydiiyaan, waana arrin khaldan, maadama ay gabadha khusuusiyaadkeeda ka mid ah iney aqbasho qofka ay u aragtu inuu ku habboon yahay, kii kale aaney dooneynna ay iska diiddo.

4- Oo Miyaa Lagu Qabaa?

Markii ay gabadhu dhowr jeer rag kala duwan ay diiddo, waxaa bilaabanaya in dadka ku hareeraysan uu mid walbaa ra’yigiisa gaarka ah uu muujiyo, shakiguna uu bilowdo, xilligaas waxey weydiiyaan su’aashan doqonnimada ah ee aan laga fiirsan.

5- Markaad shaqadaada guul ka gaarto oo isku fillaanshiyo aad gaarto maxaad faa’iidday?

Gabadha dadka ku hareeraysan marka ay arkaan sida ay ugu dhaggan tahay iney waxbarashadeeda dhammeysato, oo ay shaqo u qalanta ay raadsato, waxey layaab ka dhigaan oo su’aalo aan ku habbooneynayn oo khaldan ay weydiiyaan gabadha,  intaas kuma eekaadaan waxey isku dayaan iney la taliyaan si ay dhekhsi ugu guursato, ninkasta oo u yimaadana ama ka soo hor baxa ay aqbasho si aanuu u dhaafin tareenka guurka ee ay uga mashquushay arrimo kale oo ka muhiimad yar, waa sida ay aaminsan yihiin.

xigasho Goobjoog Edu