1KG OO TIMO AH AYAA CALOOSHEEDA LAGA SOO SAARAY: SIDEE AY KU GALEEN…

0
135

Dhakhaatiir ka tirsan cisbitaalka Boqor Faysal ee Maka Almukarama ayaa inan yar oo ay qalniin ku sameeyeen, caloosheeda ka soo saareen timo isku ururay oo culayskooda lagu qiyaasay 1 kiiloogaraam.

Baadhitaanno qalniinka kaddib lagu sameeyey sida ay ku dhacday xaaladda inantan 18 sano jirka ah, waxaa lagu ogaaday in muddo dheer ay caadaysatay inay timaheeda qaniinto ama afka geliso.Dabeecaddan ayaa ay xeeldheereyaasha cilminafsigu sheegeen in ay la xidhiidho xaaladda nafsiga ah ee ka dhalata macaamilka ay inantu la kulanto marka ay yartahay.

Dr. Canuud Shashah oo ku xeeldheer qalniinada ayaa iyaduna sheegtay in xaaladahan lagu arko hablaha dhoorrayda ah ee la kulma cadaadiska iyo culaysyada nafsiga ah, taas oo inantu iyada oo aan is xasuusnayn ay timaheeda afka gelinaysa, kaddibna timuhu ku googo’ayaan.

Dr. Canuun waxa ay ku talisay in qoysasku ku baraarugsanaadaan xaaladaha nafsiga ah ee carrurutoodu gabdho iyo wiilal mid kasta oo ay yihiin, si looga hortago in dhibaatooyin noocan ah ama ka sii xumi ay ku dhacaan ilmaha.

waxaa so turjumey @Kamalmarjaan  · Journalist