๐—ซ๐—ผ๐—ฑ ๐—ซ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฟ๐—ถ๐—ธ๐—ฎ

0
91

Cusmaan Saalax Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo la -taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gebreab ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Suudaan.
Ergooyinka Eritrea waxay farriin afka ah u gudbiyeen Xamdook rausal wasaaraha Suudaan.
Sida lagu sheegay bayaan ay sii deysay dawladda Suudaan, hoggaamiyaha Eritrea ayaa ka jawaabay fariin ku saabsan colaadda dhiigga badan ku daatay ee Tigray oo ka timid Hamdok oo sidoo kale ah guddoomiyaha ururka bariga Afrika, IGAD.

Sidoo kale Bayaan laga sii daayay Asmara, Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay yeesheen “wada hadal cad oo ballaadhan” waxayna ku heshiiyeen baahida loo qabo dadaal goboleed si loo af jaro “caqabadaha gudaha iyo dibaddaba”.

Intii uu dagaalku ka bilowday Tigray sannadkii hore, Hamdok raysalwasaaraha suudaan ayaa soo jeediyay in la dhexdhexaadiyo dawladda itoobiya iyo TPLF laakiin raโ€™iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ka biyo diiday dalabkaas.

Xog hoose ayaa sheegeysa in ujeedka booqashadani daaran tahay mucaarad Eritrea saldhig ka dhigtay Suudaan, oo eritrea ka baqdin qabto
Hoggaamiyayaasha mucaaradkaa ayaa isku dayaya inay samaystaan โ€‹โ€‹mucaarad wadajir ah oo ka dhan ah xukuumadda Isaias Afwerki.
.