Home Caafimaadka 𝗦𝗢𝗖𝗢𝗗𝗦𝗜𝗜 𝗖𝗔𝗟𝗢𝗢𝗦𝗛𝗔𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗜𝗚𝗔 𝗢𝗢 𝗚𝗨𝗥𝗜𝗚𝗔𝗔𝗗𝗔 𝗝𝗢𝗢𝗚𝗔

𝗦𝗢𝗖𝗢𝗗𝗦𝗜𝗜 𝗖𝗔𝗟𝗢𝗢𝗦𝗛𝗔𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗜𝗚𝗔 𝗢𝗢 𝗚𝗨𝗥𝗜𝗚𝗔𝗔𝗗𝗔 𝗝𝗢𝗢𝗚𝗔

0
51

Boqolkiiba afar iyo toban dhamaan dadka ayaa la dhibtooda in ay calooshoodu ay ahaato mid taagan ama calool fadhiid qaba,
saxaraduna ay dhibto in ay si fudud banaanka u timaado taas oo ugu danbeyn dhaawacda meesha saxaradu kasoo baxdo ugu danbeyna sababta xanuunka Baabasiirka loo yaqaano,

CALAAMADAHA CALOOL FADHIIDKA

Calaamadaha lagu garto calool fadhiidka waxaa weeye asbuucii 3 jeer ka yar in aad saxarooto aadna saxarooto saxaro angagan oo adag ayna aad kuu dhibto marka aad dhigeyso,

MAXAA SABABA CALOOL FADHIIDKA

Waxa ugu badan oo sababa waxa kamid ah in jirkaadu ay biyuhu ka yaraadaan,cunto xumo, daawooyinka qayb kamid ah oo aad qaadato, xanuunada qayb kamid ah,xanuunada neerfaha ku dhaca iyo waalida.

SIDEE U SOCODSIIN KARAA CALOOSHA?

Nasiib wanaag cuntooyinka qayb kamid ah ayaa kaa caawinkara in aad calooshaada socodsiiso,

  • Tamaandho xabuubta ama Yaanyo mirooleyda adiga oo diirkeeda ku cunaya intaad iska dhaqdo iyada oo aan la karin in aad cunto waana mida ugu wanaagsan ee caloosha socodsiisa.
  • Timirta
  • Tufaaxa.
  • Salarka ama ansalaatada caleenta cagaaran ah.
  • Bataatiga macaan.
  • Digirta.
  • Raqayga cabitaan ahaan u qaso.
  • Caanaha geela.
  • cuntooyinka dahaarka leh.
  • lowska oo aad ku cunto diirka hoose oo gaduudka ah.
  • koostada
    .
  • Babayga.

In aad biyo badan cabto jimicsi aad sameyso cuntooyinkaan aad badsato iyo mar walba aad dareento in ay ku hayso saxaro aad horey musqusha ka tagto ayaa door weyn ka qaadanaysa in aad calooshaada socodsiiso si fudud.

Qof walba cunto gaar ah ayaa socodsiisa calooshiisa waxaa laga yaaba qayb kamid ah cuntooyinkan in aysan caloosha socodsiin balse mid kamid ah ay socodsiin karto,
Waana muhiim qof walba in uu ogaado nooca cuntada calooshiisa socodsiisa.

Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey SHARE u dhaha ama halkaan uga wac qof kuu muhiim ah si uu uga faaiideysto.

Dr Amen

Share

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com