๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜๐—ฎ๐˜†

0
133

48-saacadood dagaalo ciidamada Tigray-gu la galeen magaalada ugu weyn koonfurta gobolka Tigray-ga ee Alamata ayey kala wareegeen ciidamada amhaarada .

Afhayeenka deegaanka Tigray-ga oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP waxa uu sheegay in aanay dagaalka joojinayn ilaa inta laga haysto taako kamid ah dhulkooda.

“Waxaan awoodnay inaan xorayno inta badan koonfurta Tigray oo ay kujiraan Korem iyo Alamata, annagoo gabi ahaanba jabinay ciidamada Federaalka iyo kuwa Amxaarada ee isasoo bahaystay,” ayuu yidhi Getachow Reda.

Dawladda dhexe ee itoobiya weli kama hadal dagaalka faraha kasii baxaya ee ka socda waqooyiga Itoobiya, kaasi oo u dhexeeya Amxaarada iyo Tigray-ga.

Geesta kale Magaalada Gonder waxaa ka dhacay dibad baxyo lagaga soo hor jeedo raysal wasaaraha dalka itoobiya iyagoo ku dhawaaqayey ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฏ๐—ฎ oo macnaheedu tahay tahay beenaale