๐—”๐—บ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ::

0
131

Waxaa magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeeday TPLF, maraykanka iyo midawga yurub,
sida halku dhagyada ka muuqata.

Waxaanay ku eedeeyeen inay taageero la garab istaageen tigreega itoobiya

Fariimaha mudaharaadkan lagusoo bandhigay ayaa waxaa kamid ahaa

((โ€ขโ€ขTogga Tekeze ayaa ah xuduudka dabiiciga ah ee Axmaarada iyo Tigreega! Waana aag ay immika soo dhaafeen

โ€ขโ€ขโ€ขMaraykanoow markabkii gumaystaha waad ka hadhay marhore ayuu jilaabtay!

โ€ขโ€ขโ€ขDadka iyo deegaanka Raya iyo Wolkait kuma noqon doonaan gacanta tigreega. ))

Mudaharaadkan ayaa ku soo beegmaya xil ay tigreega sheeganayaan guulo isdaba jooga gaadheen kaas oo baqdin galiyey qolyaha xifaaltanku ka dhaxeeyo

Magaalada Raya dhawaan ayay tigreegu dib ula wareegeen wayna dhaafeen waxaa wali gacanta deegaanka Axmaarada kujira Wolkait, gaarahaan magaalooyinka Dansha, Humera iyo Maikadra oo tigreegu ku taamayaan in gacanta ku dhigaan.

Geesta kale Madexweynaha gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inay hubka qaataan si dagaal loogu qaado Tigray.

Hadalkan ayaa ku beegmaya xilli Jimcihii madaxweynaha gobolka Canfarta uu jeediyay baaq kan lamid ah.

Afhayeen u hadlay jabhadda Tigray ayaa wacad ku maray inay xoreyn doonaan taako kasta oo ka tirsan dhulka Tigray.